Rio Ferdinand: Arsenal Way Ku Dhawaan Lahayd Liverpool Tartanka Horyaalka Hadii Uu Mikel Arteta…

Rio Ferdinand waxa uu aaminsan yahay in Arsenal ay ‘u dhawaan lahayd Liverpool’ haddi aanu Mikel Arteta samayn lahayn khalad bilowgii xilli ciyaareedka.

Arsenal ayaa u baahan shaqo fiican bilaha ugu dambeeya ee xilli ciyaareedka hadii ay u baahantahay in ay Liverpool ku garaacaan horyaalka premier League kuna guulaystaan markii ugu horaysay horyaalka tan ilaa 2004.

Dad yar ayaa Liverpool u saadaalinayay in ay u tartanto horyaalka marka loo eego in uu yahay xilli ciyaareedkii ugu horeeyay e Arne Slot laakiin Reds ayaa 7 dhibcood ku hogaaminaysa horyaalka iyada oo 13 kulan ka dhimantahay xilli ciyaareedka.

Inkasta oo ay Arsenal ku tartamayso horyaalka xilli ciyaareedkii 3-aad oo xidhiidh ah, Ferdinand Ayaa aaminsan in ay ku dhawaan lahayd Liverpool hadii uu Arteta ka faa’iidaysan lahaa da’yarka Ethan Nwaneri bilowgii xilli ciyaareedka.

“Arsenal waxa ay ku sii dhawaan lahayd horyaalka Liverpool hadii Mikel Arteta uu ka faa’iidaysan lahaa Nwaneri markii Odegaard uu dhaawacmay”ayuu Ferdinand yidhi.

“Waxa uu samaynayo, waxa uu ciqaabayaa daafacyada Iyo kooxda, waxa aan qabaa in hadii uu ciyaari lahaa uu heli lahaa dhibco ka badan inta ay haatan haystaan”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga