Jorgensen Mise Sanchez? Maresca Oo Doortay Goolhayaha 1-aad Ee Kooxda.

Filip Jorgensen ayaa sii ahaan doona dookha 1-aad ee kooxda Chelsea kulanka Brighton habeenka Jimcaha, iyadoo Enzo Maresca uu xaqiijiyay Goolhayaha sida joogtada ugu ciyaari doona kooxda.

Sanchez ayaa xilli ciyaareedka ku soo bilaabay goolhayaha koowaad ee Maresca waxana uu tababaraha reer Italy si adag u taageeray xiddigiisa inkasta oo ay jireen khaladaad badan oo uu sameeyay horaantii xilli ciyaareedkan.

Si kastaba ha ahaatee, qaab ciyaareedka gaaban ka dib, Sanchez waxa uu soo maray usbuuc masiibo ah dhamaadkii bishii hore kaas oo uu ka sameeyay khaladaad kulamadii Wolves iyo Manchester City.

Khaladaadkaaa ayaa keentay in uu tababare Maresca go’aansaday in uu Jorgensen ku bilaabo kulankii West Ham.

Sanchez ayaa ku soo laabtay todobaadkii hore guuldaradii FA Cup-ka ee Brighton, laakiin waxa uu ku laaban doonaa kaydka marka ay chelsea safar kale ku tagto kooxdiisii hore ee premier League jimcaha.

“Xalka Filip wuxuu sidoo kale ahaa in la siiyo Robert waqti uu ku soo kabsado maskax ahaan iyo jir ahaanba,” Maresca ayaa yidhi.

“Fikradu maaha, ciyaar-ciyaar, in la beddelo goolhayaha”.

“Kulankii ugu dambeeyay Premier League ee aan la ciyaarnay West Ham ee aan badinay waxa ciyaaray Filip, FA Cup-ka waxa ciyaaray Robert, laakiin goolhayahayaga wakhtigan waa Filip”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga