
Liverpool ayaa safar gaaban ku aadi doonta Everton Arbacada kulanka ugu dambeeya ee Derby Goodison Park ka hor inta aysan deriskooda u dhaqaaqin garoon cusub oo ku yaal xeebta magaalada.
Laakiin Arne Slot iyo ciyaartoydiisa ayaa u baahan in ay badiyaan maadama ay 9 dhibcood ka Horayn doonaan kooxda Arsenal ee ku jirta kaalinta 2-aad.
Liverpool ayaa doonaysa in ay badiso kadib markii ay guuldaro kala kulmeen tartanka FA Cup-ka.
Kooxda Liverpool waxa ka maqnaan kara 4 xiddig kulanka Muhiimka ah ee kooxda.
Xiddigaha Joe Gomez, Curtis Jones, Trent Alexander Arnold iyo xiddiga Tyler Morton ayaa dhamaantood seegaya kulanka.
Be the first to comment