Manchester City ayaa laga hor istaagay in ay diwaan gashato mid ka mid ah saxiixyadeeda cusub wareega is reeb-reebka ee Champions League sababo la xidhiidha sharci aan la aqoon.
City ayaa Nico Gonzalez kula soo wareegtay ku dhawaad 50 milyan iyaga oo kala soo Wareegay kooxda FC Porto.
23-sano jirkaan ayaa soo maray akadeemiyada dhalinyarada ee Barcelona, waxaana uu noqday saxiixii afaraad ee City samayso suuqa January.
City ayaa rajeyneysa in ciyaaryahanka reer Spain uu saameyn degdeg ah ku yeesho Premier League iyagoo isku dayaya inay u soo baxaan Champions League xilli ciyaareedka soo socda.
Si kasta ha ahaatee kooxda ayaa ku fashilantay in ay Diwaan Galiso xiddiga sabab la xidhiidha sharci aan aqoon badan loo lahayn.
Sharciga ayaa ah maadama ay Man City la soo saxiixatay 4 xiddig midkood ayaa seegi doona liiska Diwaan galinta.
Be the first to comment