Shaxda Ay Arsenal Kaga Hor Tagi Karto Dinamo Zagreb

Arsenal waxaa ka maqnaan doona William Saliba kulanka Champions League ee Dinamo Zagreb caawa.

Daafaca reer France ayaa seegay kulankii sabtida ee Premier League ee ay la ciyaareen Aston Villa dhaawac muruqa ah oo ka soo gaaray kulankii waqooyiga London.

Saliba ayaa ka maqnaa tababarka galabnimadii Talaadada, waxaana maamule Mikel Arteta uu markii dambe xaqiijiyay inuusan wajihi doonin Dinamo.

Bukayo Saka iyo Gabriel Jesus ayaa weli maqnaanaya muddo dheer, halka Ben White iyo Takehiro Tomiyasu ay labadooduba weli ku maqan yihiin dhaawacyo jilibka ah.

Calafiori ayaa dhaawac ku seegay seddexdii kulan ee ugu dambeysay, Nwaneri ayaana tan iyo horaantii bishaan ku maqnaa dhaawac muruqa ah.

Halkan Kaga Bogo shaxda suurtagalka ah ee ay Arsenal kaga hor tagi karto kulanka:

Raya; Partey, Kiwior, Gabriel, Tierney; Odegaard, Jorginho, Merino; Sterling, Havertz, Trossard

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga