Maamulka Premier League ayaa soo saaray bayaan ay ku sharxayaan sababtii loo diiday goolkii guusha ee Kai Havertz uu xilli danbe u dhaliyay Arsenal kulankii Aston Villa.
Havertz ayaa u maleeyay in uu dhaliyay goolka guusha ee Kooxdiisa kulankii ay la ciyaarayeen Aston Villa kulan ka tirsanaa premier league.
Laakiin kadib VAR, garsooruhu waxa uu go’aansaday in uu diido goolka taas oo soo af jartay farxadii taageerayaasha Arsenal.
Maamulka premier league ayaa ciyaarta kadib yidhi”sababta loo diiday goolkii Havertz ee Aston Villa ayaa ahayd in ay kubadu ku dhacday gacantiisa ka Hor inta ayna shabaqa galin kubadu”.
Arsenal ayaa haatan 6 dhibcood ka hoosaysa hogaamiyayaasha premier league Liverpool kadib bar-barihii kulanka.
Be the first to comment