Sergio Aguero Oo Magacaabay Laba Kooxood Oo Man City Ka Hor Istaagi Kara Ku Guulaysiga Champions League

Weeraryahankii hore ee Manchester City Sergio Aguero ayaa magacaabay labada kooxood ee uu u maleynayo inay ka joojin karaan kooxdiisii hore inay ku guuleystaan Champions League 2024/25.

Aguero, oo 36 jir ah, ayaa loo arkaa inuu yahay ciyaaryahankii ugu fiicnaa abid ee City Premier League isagoo u diiwangeliyay 260 gool 390 kulan oo uu u saftay kooxda – oo ay ku jirto goolkii guusha ee maalintii ugu dambeysay ee xilli ciyaareedkii 2011/12.

Waxa uu u dhaqaaqay Barcelona 2021 ka dib markii uu u qaaday shan horyaal, lix League Cups, iyo hal FA Cup, laakiin halka koob ee uuna ku guulaysan ayaa ahaa champions league.

Aguero, oo 101 kulan u saftay Argentina, wuxuu si deg-deg ah uga fadhiistay ciyaaraha kadib xanuun dhinaca wadnaha ah oo soo Gaadhay.

Wuxuuna saadaaliyay sanadkan Champions League.

“Kani waa qaab cusub oo Champions League ah, waxaan filayaa in sanadkan uu noqon doono mid la yaab leh,” ayuu Aguero u sheegay Stake

“Qaabkani wuxuu caawin karaa kooxaha yaryar inay horumaraan oo ay u soo baxaan wareega xiga. Tani waxay sidoo kale ku adkeyn kartaa kooxaha waaweyn”.

” Mar walba waxa aan dareensanahay in ay Man City ugu cad-cadahay ku guulaysiga Champions League isla markaas Real Madrid iyo Arsenal yihiin labada kooxood ee ka Hor Tagi karta arinyaas”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga