Kooxda RB Leipzig ayaa diiday isku dayga kooxda Arsenal ku doonayso saxiixa xiddiga weerarka ka ciyaara ee Benjamin Sesko.
Arsenal ayaa wadahadalo la furtay kooxda RB Leipzig si ay u helaan saxiixa xiddiga Benjamin Sesko kuna xoojiyaan weerarkooda.
Si kasta ha ahaatee wadahadalada ayaan meel fog gaadhin iyada oo kooxda RB Leipzig markiiba diiday qorshaha kooxda Arsenal.
Arsenal ayaa doonaysay in ay qaab amaah ah kula wareegto xiddiga Benjamin Sesko ka hor inta ayna si toos ah ula wareegin xiddiga xagaaga dambe.
Kooxda RB Leipzig ayaa u sheegtay Arsenal in aanay diyaar u ahayn in ay iibiyaan xiddiga Benjamin Sesko inta lagu jiro suuqa January.
Be the first to comment