XASAASI: Trent Alexander-Arnold Oo Ogolaaday In Uu Ku Biiro Real Madrid.

Daafaca midig ee Liverpool Trent Alexander-Arnold ayaa lagu soo waramayaa inuu ogolaaday inuu u wareego Real Madrid 2025.

Alexander-Arnold ayaa ku jira lixdii bilood ee ugu dambeysay qandaraaskiisa Liverpool, waxaana la og yahay inuu yahay bartilmaameedka ugu sarreeya ee Madrid.

Waxa ay hore ugu fashilmeen dalabkii ugu horeeyay e ay ku doonayeen saxiixa xiddiga iyada oo Liverpool diiday dalab ay Real ku doonaysay saxiixa xiddiga.

MARCA, ayaa dhanka kale diiday inay meesha ka saarto u dhaqaaqista xiddiga ee suuqa January.

Kalsoonida ayaa ka timid sheegashada ah in Alexander-Arnold uu mar hore yiri “haa” inuu ku biiro Madrid, kaasoo qorsheynaya inuu Liverpool u soo bandhigo fursada ugu dambeysa ee ay ku heli karaan daafacooda midig ka hor inta uusan qaab xor ah uga tagin kooxda.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga