
Napoli ayaa isku dayaysa inay u dhaqaaqdo xiddiga garabka uga ciyaara Manchester United Alejandro Garnacho iyagoo doonaya inay bedelaan Khvicha Kvaratskhelia bishaan, sida ay wararku sheegayaan.
Kvaratskhelia, oo la fahamsan yahay inuu sidoo kale xiiso ka helay Liverpool, ayaa la filayaa inuu ku biiro Paris Saint-Germain ka dib markii uu u sheegay Antonio Conte inuu doonayo inuu baxo.
Sida laga soo xigtay Sport Italia, Conte ayaa u aqoonsaday Garnacho bartilmaameedka 1-aad ee uu doonayo in uu ku buuxiyo booska xiddiga ka tagay iyada oo la sheegayo in ay United haatanba shaacisay qiimaha ay ku iibinayso xiddiga.
Waxaa la aaminsan yahay in 20-sano jirkaan uu kaga tagi karo kooxda lacag dhan 50 milyan oo euro kadib markii uu ka baxay qorshaha Ruben Amorim.
Garnacho ayaa kursiga keydka la dhigay shantii kulan ee ugu dambeysay, waxaana gabi ahaan laga saaray kulankii Man City.
Sida laga soo xigtay Mail Sport, United waxay u furan tahay inay dhagaysato dalabyada u imanaya xiddiga Garnacho suuqa January.
Be the first to comment