Arsenal Oo Diyaarinaysa Dalab Rasmi Ah Oo Ay Ka Gudbinayso Xiddig U Ciyaara Barcelona.

Arsenal ayaa si dhow isha ugu heysay xaalada qalafsan ee qandaraaska Ronald Araujo ee Barcelona, ​​waxaana ay diyaarinayaan dalab qaali ah oo ay ku doonayaan daafacaan bishaan January.

Araujo ayaa ku qaadanaya Barcelona xilli ciyaareedkii 5-aad oo buuxa kadib markii uu kooxda ku soo biiray sanadkii 2018.

Waqtigaas, Araujo wuxuu u saftay in ka badan 150 kulan tartamada oo dhan Barca, isagoo ka caawiyay kooxda inay ku guuleysato horyaalka La Liga 2022/23, Copa del Rey iyo Spanish Super Cup.

Araujo ayaa ka soo laabtay dhaawac halis ah oo soo gaaray todobaadkii hore si uu u soo muuqdo kulankiisii ​​ugu horeeyay ee xilli ciyaareedkan kulankii ay Barca u safartay Barbastro, isagoo ciyaaray 90kii daqiiqo ee ciyaarta iyagoo ku badiyay 4-0.

Sida laga soo xigtay wargayska Mundo Deportivo, Arsenal ayaa diyaarinaysa dalab aad u sareeya oo y ku doonayso saxiixa xiddiga.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga