
Kooxda Man City ayaa sii wada luminta dhibcaha premier League iyaga oo dhaafi waayay kooxda Everton.
Man City ayaa garoonkeeda ku marti galisay kooxda Everton kulan ka tirsanaa horyaalka premier Leageu.
Kooxda Man City ayaa ahayd kooxda fiican ciyaarta laakiin Everton ayaa si fiican u difaacatay goolkeeda.
Daqiiqadii 4-aad ayay Man City dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Bernardo Silva kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.
Kooxda Man City ayaa wax walba u samaysay sidii ay u dheeraysan lahayd ciyaarta laakiin uma suurtagalin in ay dhaliso goolal kale.
Daqiiqadii 36-aad ayay Everton dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Iliman Ndiaye kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man City mar kale dhibco lumisay horyaalka premier League.
Be the first to comment