
Xiddiga Real Madrid ee Kylian Mbappe ayaa dib u helay qaab ciyaareedkiisii cajiibka ahaa isaga oo u muuqda mid la soo qabsanaya Los Blancos.
Kylian Mbappé ayaa xagaagii hore ugu soo biiray Real Madrid si xor ah kadib markii uu dhacay heshiiskiisa Saint-Germain.
Bilawga Mbappe ma ahayn mid uu qof walba filanayay,maadama uu la kulmay dhibaatooyin uu kula qabsanayay qaab ciyaareedka Real Madrid,waxana uu ciyaaray in ka badan hal kulan oo niyad jab ah.
Laakiin Mbappe ayaa ugu danbayn ku guulaystay in uu si fiican u soo bandhigo kulamadii ugu dambeeyay isaga oo gool dhaliyay 4-tii kulan ee ugu dambaysay.
Wargeyska AS ayaa tilmaamay in Mbappe uu fasaxa Christmas-ka soo galay isagoo dhaliyay 14 gool, isagoo hal gool ka sare maray halyeyga reer Portugal Cristiano Ronaldo sannadkiisii ugu horreeyay Real.
Wargayska ayaa intaa ku daray in Mbappe uu fursad wayn u haysto in uu taariikh ku qoro Real Madrid iskuna dayo in uu ku dhawaado xiddiga uu ugu jecel yahay ee Ronaldo.
Be the first to comment