Shaxda Ay Arsenal Kaga Hor Tagi Karto Crystal Palace.

Weeraryahanka Arsenal Gabriel Jesus ayaa rajeynaya inuu sii haysto booskiisa kooxda marka ay Gunners ku wajahayaan Crystal Palace.

Jesus ayaa saddexley cajiib ah ka dhaliyay Palace habeenkii Arbacada markii Arsenal ay 3-2 ku garaacday si ay u gaadho semi-finalka Carabao Cup.

Xiddiga reer Brazil ayaa laga yaabaa inuu ka soo baxo kooxda isaga oo booska u banayn doona Kai Havertz, in kasta oo Arteta uu isku dayi doono inuu booskaas ku daayo xiddiga Jesus.

Weeraryahanka ayaa ku dhibtoonaya qaab ciyaareedkiisa xilli ciyaareedkan, laakiin seddexleydii uu ka dhaliyay Crystal Palace ayaa is badal ku samayn karta qaab ciyaareedkiisa.

Arsenal ayaa dib u soo dhawayn doonta Declan Rice iyo Riccardo Calafiori ka dib markii ay labadooduba seegeen kulankii Arbacadii.

Zinchenko ayaa wali maqnaan doona sabab la xidhiidha dhaawac waxana ay taasi keeni kartaa in uu Myles Lewis-Skelly sii haysto booskiisa.

Halkan Kaga Bogo shaxda ay Arsenal kaga hor tagi karto Crystal Palace:

Raya; Timber, Saliba, Gabriel, Calafiori; Odegaard, Partey, Rice; Saka, Jesus, Martinelli

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga