Raheem Sterling ayaa lagu soo waramayaa in uu go’aan ka gaaray mustaqbalkiisa ka hor inta uusan furmin suuqa kala iibsiga ciyaartoyda bisha January xilli uu ku dhibaatoonayo kooxda.
Sterling ayaa ku guuldareystay inuu saameyn badan ku yeesho garoonka tan iyo markii uu Gunners kaga soo biiray Chelsea bishii August.
30-sano jirkaan garabka ka ciyaara, ayaa u saftay 82 jeer England, kaliya wuxuu u ciyaaray 10 kulan kooxda Mikel Arteta, isagoo diiwaan geliyay hal gool iyo labo caawin.
Sterling ayaan xitaa kaydka ka soo muuqan 3-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay kooxda Arsenal ciyaartay tartamada oo dhan.
Inkastoo uusan kooxda joogto ugu ciyaarin Sterling ayaa go’aansaday inuu doonayo inuu baaqi kusii ahaado Emirates, sida laga soo xigtay The London Standard.
Waxaa la aaminsan yahay in aanu Sterling wax qorshe ah u hayn in uu soo jaro heshiiska amaahda ah ee uu kula joogo kooxda suuqa January.
Be the first to comment