Erling Haaland ayaa haatanba loo arkaa mid ka mid ah weeraryahanada ugu halista badan taariikhda premier League kaliyana waxa uu joogaa tan ilaa 2022.
Kadib imaatinka Man city waxa uu dhaliyay 36 gool waxana uu ku guulaystay kabta dahabka ah ee premier League.
Sidoo kale Haaland ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay e dhaliyay saddexley xidhiidh ah premier League ay kooxdiisu ku ciyaartay garoonkooda.
Xiddiga ayaa ilaa haatan dhaliyay 75 gool oo premier League ah waxana uu durba dhaafay qaar ka mid ah kuwa ugu fiican ee soo maray taariikhda.
Pierre-Emerick Aubameyang:
Aubameyang ayaa wacdaro ka dhigay Arsenal isaga oo si wareer ah goolal u dhalinayay xirfadiisa koxda waxana uu dhaliyay 69 gool laakiin Haaland ayaa durba dhaafay Aubameyang.
David Beckham
Magaca Beckham oo liiska ku jira ayaa laga yaabaa in aanu noqon mid la yaab leh marka loo eego booskiisa oo ahaa garabka weerarka ama khadka dhexe marka la egeo mudada uu joogay Man United waxa la yaab leh sida dhibta yar ee uu Haaland ku dhaafay kadib 62 oo uu dhaliyay.
Gareth Bale
Dhowrkii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay ka hor inta uusan u dhaqaaqin Real Madrid, waxaa la dareemayay in Bale uu si waali ah u dhalinayay goolasha laakiin Haaland ayaa dhaafay goolasha Bale oo ahaa 53gool
Edin Dzeko:
Dzeko ayaa dhinaciisa dhaliyay 50 gool waxana uu kooxda joogay sanado badan isaga oo Man City kula guulaystay horyaalkii ugu horeeyay hadana durba Haaland ayaa dhaafay goolashiisa.
Alexis Sanchez:
Xiddiga reer Chile laba kooxood u soo ciyaaray wakhtigiisii Premier League waxana uu goolasha ugu badan ku dhaliyay Arsenal isaga oo dhaliyay 61 gool waana goolasha uu dhaafay Haaland.
Luis Suarez:
Suarez ayaa wakhti cajiib ah ku qaatay Liverpool waxana dhaliyay 69 gool 110 kulan oo uu u ciyaaray premier League laakiin Haaland ayaa durba dhaafay goolashaas.
Be the first to comment