DEG-DEG: Thomas Tuchel Oo Loo Magacaabay Tababaraha Cusub Ee Xulka England.

Xidhiidhka FA-ga ayaa si Rasmi ah u xaqiijiyay in ay Thomas Tuchel u magacaabeen tababaraha cusub ee xulka England.

Tuchel ayaa la wareegaya xilka xulka qaranka isaga oo badali doona Gareth Southgate.

Tababare Tuchel ayaa xilka xulka qaranka England bilaabi doona bisha January ee sanadka 2025.

“Aad ayaan ugu hanweynahay in la i siiyay sharafta hogaaminta xulka England”.

“Waxaan muddo dheer dareemay xiriirka shakhsi ahaaneed ee ciyaarta dalkan, waxayna i siisay waqtiyo cajiib ah mar hore.”

“Inaad hesho fursad aad ku matasho England waa mudnaan aad u weyn, fursada aan kula shaqeynayo xiddigaha cajiibka ah waa arin sharaf ii ah”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga