Arteta Oo Ka Hadlay Bar-Barihii Ay Kooxdiisu La Gashay Atalanta.

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa ka hadlay bar-barihii ay kooxdiisu la gashay Atalanta kulan ka tirsanaa champions League.

Arsenal ayaa bar-baro 0/0 ah la gashay kooxda Atalanta kulankoodii ugu horeeyay ee tartanka Champions League.

“Waxaan ciyaarta ku bilownay si wanaagsan…laakin ma aanan abuuri karin fursado badan oo cad,” Arteta ayaa sidaa yiri.

Fursad uu lumiyay Gabriel Martinelli ayaa noqotay mid qaali ah, iyadoo Arteta uu qirtay, “Waxaan helnay fursad weyn… taas oo nasiib daro ahayd”.

“Waxaan luminay xakameynta ciyaarta sababtoo ah waxaan aheyn kuwa aan ku habooneyn kubada”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga