Arsenal Mise Man City? Cesc Fabregas Oo Saadaaliyay Kulanka Arsenal Iyo Man City Ee Axada.

Cesc Fabregas ayaa ku taageeray Arsenal inay guul weyn oo macquul ah ka gaarto kooxda ay ku xafiiltamaan horyaalka Premier League ee Manchester City Axada.

Gunners, oo dooneysa inay ku guuleysato horyaalkeedii ugu horreeyay tan iyo 2004, ayaa u safri doonta Etihad Stadium axada si ay ula ciyaarto kooxda heysata horyaalka Premier League.

Arsenal ayaa si fiican ku bilaabatay xilli ciyaareedka iyaga oo helay 10 dhibcood 12 dhibcood oo suurtagal ahaa iyaga oo kulankoodii ugu dambeeyay ka badiyay kooxda Tottenham.

Si kasta ha ahaatee Man City ayaan wali wax dhibco ah lumin iyaga oo isha ku haay guushoodii 5-aad oo xidhiidh ah.

Ka hor kulanka Fabregas ayaa aaminsan in ay goolal ka dhalan doonaan kulanka waxana uu Arsenal u saadaaliyay in ay ku guulaystaan kulanka.

“Waxa aan Arsenal u saadaalinayaa in ay ku badiyaan 2/1″ayuu Fabregas yidhi.

“Waxa la kala dhalin doonaa goolal waan hubaa taas”ayuu sii raaciyay.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga