Khaladaadka ugu weyn ee Chelsea ee suuqa kala iibsiga xagaaga ayaa durba si cad u muuqda, waxaana magaciisa la yiraahdaa Jhon Duran.
Blues ayaa lacag qaali ah ku qarash gareysay ciyaartoyda intii uu Todd Boehly hogaaminayay kooxda Chelsea.
Inkasta oo ay lacag badan galiyeen suuqa hadana waxa ay ku fashilmeen in ay la soo saxiixdaan weeraryahan toos ah iyaga oo isku haleeyay xiddiga Nicolas Jackson.
Chelsea ayaa loo sheegay in ay iska bixiso lacag dhan 40 milyan oo euro hadii ay doonayso xiddiga Aston Villa ee Duran.
Duran, dhanka kale, wuxuu leeyahay rikoor gooldhalinta oo ka fiican Erling Haaland, Sergio Aguero, Thierry Henry iyo, runtii, weeraryahan kasta oo kale taariikhda Premier League.
Inkasta oo ay chelsea la soo saxiixatay wax ka badan 10 xiddig tan ilaa xagaagii 2022 hadana Joao Felix ayaa ah xiddiga ugu dhaw weeraryahan toos ah.
Kooxda ku ciyaarta Stamford Bridge ayaa €52m ku soo iibsatay weeraryahanka Atletico Madrid.
Inkasta oo xiddiga reer Portugal dhaliyay hal gool 3 kulan oo uu badal ku soo galay Duran ayaa wacdaro ka dhigaay Aston Villa isaga oo qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay kulankii champions Legaue.
Be the first to comment