Enzo Maresca ayaa sheegay in aanu doonayn in uu ‘khatarta geliyo’ Romeo Lavia kulanka Chelsea la ciyaarayso Wolves premier League dib markii uu xiddiga khadka dhexe ka soo gaadhay dhaawac yar oo muruqa ah.
Lavia, oo 20 jir ah, ayaa u muuqday in ay ku bilaaban doonto Molineux ka dib markii ay soo bandhigtay qaab ciyaareed fiican kulankii ay Chelsea guuldarada 2-0 ah kala kulantay kooxda difaacanaysa horyaalka ee Manchester City Axadii hore.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Belgium – kaasoo dhaawac ku seegay inta badan xilli ciyaareedkii hore – ayaa sidoo kale ka soo muuqday kulankii ay Chelsea bartamihii isbuuca ka badisay kooxda reer Switzerland ee Servette, isagoo bedelay Moises Caicedo daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta.
Laakiin galabta, Lavia ayaa gabi ahaanba laga saaray kooxda Maresca, iyadoo Caicedo ka ciyaaray booskiisa.
Isagoo arintaas ka hadlaya ciyaarta ka hor ayaa yidhi”Waxa soo gaadhay dhaawac yar oo muruqa ah, laakin ma ahan wax weyn laakiin kulankan maan doonayn in aan halis galino”.
Be the first to comment