Chelsea Oo Xasuuqday Wolves Iyo Madueke Oo Saddexley Dhaliyay.

Kooxda chelsea ayaa xasuuqday kooxda Wolves kulan ka tirsanaa premier League iyaga oo ku soo laabtay wadada guulaha.

Chelsea ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta waxana ay raadinayeen in ay dhaliyaan goolal wakhti hore ah.

Blues ayay taasi u hir gashay waxana daqiiqadii 2-aadba dhaliyay goolka 1-aad xiddiga Nicolas Jackson kaas oo hogaanka u dhiibay chelsea.

Laakiin Wolves ayaa daqiiqadii 27-aad ku soo laabatay ciyaarta waxana bar-baraha u dhaliyay Matheus Cunha kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Blues ayaa mar kale daqiiqadii 45-aad hogaanka u qabatay ciyaarta waxana goolka u dhaliyay Cole Palmer kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Kooxda Wolves ayaa daqiiqadii 45+6-aadba dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay Jorgen Strand Larsen kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/2.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay labada kooxood bar-baro yihiin.

Qaybta dambe ayay Blues si dar-dar leh ku bilaabatay waxana ay daqiiqadii 49-aadba dhaliyeen goolka 3-aad waxana u dhaliyay xiddiga Noni Madueke kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/2.

Xiddiga Maueke ayaa soo laabtay daqiiqadii 58-aad waxana uu u dhaliyay kooxdiisa goolka 4-aad isaga oo ciyaarta ka dhigay 4/2.

Isla xiddiga Madueke oo ahaa xiddiga ugu fiican ciyaarta ayaa daqiiqadii 63-aad dhaliyay goolka 5-aad isaga oo ciyaarta ka dhigay 5/2.

Chelsea ayaa sii waday dadaalka waxana daqiiqadii 80-aad dhaliyay goolka 6-aad xiddiga Joao Felix oo dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay tan ilaa markii uu ku soo laabtay chelsea.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay chelsea xasuuqday Wolves.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga