Cesc Fabregas Oo Sheegay Sababta Ay Arsenal Ugu Guulaysan Doonto Premier League.

Cesc Fabregas ayaa sheegay in Arsenal ‘kaliya ay sii kordheyso intii uu hogaaminayay Mikel Arteta waxa uuna saadaaliyay in kooxdiisii ​​hore ay soo afjari doonto awooda Manchester City ee Premier League xilli ciyaareedkan.

Arsenal ayaa riixday ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkii hore iyaga oo kula tartamay horyaalka premier Legaue ilaa maalintii ugu dambaysay.

Gunners ayay ka go’antahay in ay ku tartamaan horyaalka mar kale xilli ciyaareedkan iyaga oo is xoojiyay si ay ula tartamaan Man City.

Si kastaba ha ahaatee, Fabregas – oo ka hadlayay podcast-ka Planet Premier League – ayaa u muuqday mid kalsooni ku qaba inuu ugu dambeyntii noqon doono sanadka Arsenal sababtoo ah wuxuu kaliya ku qiyaasi karaa City inay hoos u dhacdo.

“Runtii aad ayaan u jeclahay Mikel sababtoo ah waa maamule gaajeysan, wiil aad u caqli badan, caqli badan iyo xeelad ahaan wuu fiican yahay”ayuu yidhi.

“Waxa aan arko inta u dhaxaysa City iyo Arsenal ayaa ah in Arsenal ay tahay koox da’yar, oo gaajo ka buuxdo oo sii koraya, Waxaad arki kartaa inay soo fiicnaanayaan, oo ay ka soo raynayaan sanad walba”.

“Marka aan eego Man City waxaan dareemayaa inay aad iyo aad u adag tahay in laga fiicnaado sida ay haatan tahay, marka waxaan arki karaa inay hoos u dhacayaan”.

“Waxa aan arki karo ayaa ah in ay hoos u dhacayaan ama ay halkaas ay hada joogaan sii joogayaan taasina waxa ay iga dhigaysaa in ay Arsenal ku guulaysato horyaalka xilli ciyaareedkan”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga