Suuqa ayaa si Rasmi ah u furmay iyada oo kooxaha kala duwan u furantahay in ay dhamaystiraan saxiixyada.
Kooxaha ayaa haatan bilaabi kara in ay sameeyaan saxiixyada ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxooda.
hadaba kooxda.com waxa ay idiin balan-qaadaysaa in ay si joogto ah idiinku soo gudbiso wararkii ugu dambeeyay ee suuqa.
Kooxaha Barcelona iyo Real Madrid ayaa doonaya saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Liverpool ee Trent Alexander-Arnold (Sun).
Manchester United ayaa mar kale lala xiriirinayaa weeraryahanka Brighton & Hove Albion Evan Ferguson iyada oo la sheegayo in ay dalab 50 milyan ah ka gudbiyeen weeraryahanka (Star).
Inkasta oo ay ku dhawdahay saxiixa xiddigaha Samu Omorodion & Pedro Neto, chelsea ayaa wali la filayaa in ay suuqa u gasho saxiixyo kale (Mail).
Liverpool ayaa wadahadalo kula jirta kooxda Real Sociedad iyaga oo ka doonaya saxiixa xiddiga Martin Zubimendi (Mirror).
Kooxda Barcelona ayaa doonaysa saxiixa xiddiga Joao Felix kaas oo amaah kula joogay kooxda xilli ciyaareedkii hore (SPORT).
Daafaca kooxda Man City ee Joao Cancelo ayaa sidoo kale amaah ugu noqon kara Barcelona (Sport).
Chelsea waxa ay rabta in ay iska iibiso ugu yaraan lix ciyaaryahan oo kooxda koowaad ah (Telegraph).
Blues ayaa 36 milyan ka dalban doonta Napoli ama kooxaha doonaya saxiixa xiddiga Romelu Lukaku (Gianluca Di Marzio).
Kooxda Man United ayaa isku diyaarinaysa in ay dalab cusub ka gudbiso saxiixa daafaca dhexe ee kooxda Everton Jarrad Branthwaite (Sun).
Xiddigaha daafaca uga ciyaara Bayern Munich ee Matthijs de Ligt iyo Noussair Mazraoui ayaa la filayaa in ay ku biiraan Man United (Sky Sport).
Barcelona ayaa si Rasmi ah uga hadhay xiisaha ay u qabto saxiixa xiddiga kooxda Liverpool ee Luis Diaz (Sport).
Man United ayaa laga yaabaa in ay xiddiga Aaron Wan-Bissaka siiso lacag dhan 5.6 milyan euro si uu uga tago kooxda (Manchester Evening News).
Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United ayaa sii joogi doona kooxda sida uu xaqiijiyay tababare Erik Ten Hag (Metro).
Be the first to comment