Riccardo Calafiori Oo Tijaabada Caafimaadka U Maraya Arsenal

Riccardo Calafiori ayaa dhawaan tijaabada caafimaadka u mari doona Arsenal iyada oo laga heshiiyay wax walba oo ku saabsan heshiiska uu xiddigu ugu biiri doono Arsenal.

Gunners ayaa kaliya xaqiijisay saxiixa joogto ah iyada oo si toos ah ula soo wareegtay Goolhaye David Raya kaas oo kooxda kula joogay Amaah xilli ciyaareedkii hore.

Arsenal ayaa ku raad joogtay xiddiga Calafiori dhawrkii bilood ee la soo dhaafay waxana ay haatan u muuqataa in uu ku biiri doono Gunners.

The Athletic ayaa ku warameysa in qiimaha, heshiiska shaqsiga ah iyo dhammaan heshiisyada kale ay isku afgarteen Arsenal iyo Bologna, iyadoo daafaca dhexe uu diyaar u yahay inuu dhamaystiro heshiiska.

Xiddiga ayaa aadi doona dalka America oo ay kooxda Arsenal haatan ku sugan tahay isuguna diyaarinayaan xilli ciyaareedka cusub.

Xiddiga ayaa la filayaa in uu halkaas tijaabada caafimaadka ugu maro kooxda Arseal maalmaha soo socda si uu u dhamaystiro heshiiska.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga