Suuqa ayaa si Rasmi ah u furmay iyada oo kooxaha kala duwan u furantahay in ay dhamaystiraan saxiixyada.
Kooxaha ayaa haatan bilaabi kara in ay sameeyaan saxiixyada ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxooda.
hadaba kooxda.com waxa ay idiin balan-qaadaysaa in ay si joogto ah idiinku soo gudbiso wararkii ugu dambeeyay ee suuqa.
Trent Alexander-Arnold ayaa doonaya in uu mustaqbalkiisa u hibeeyo kooxda Liverpool isla markaas dhawaan qalinka ku duugo heshiis cusu (Sun).
Manchester United ayaa wali rajeyneysa inay iska iibiso Jadon Sancho iyadoo Borussia Dortmund, Juventus iyo Paris Saint-Germain ay dhamaantood isha ku hayaan ciyaaryahanka garabka ka ciyaara, laakiin midkoodna ma buuxin karo qiimaha kooxda Premier League (Sky Sports).
Real Madrid ayaan qorsheyneynin inay sameyso saxiixyo kale xagaagan, iyadoo kaliya ay macquul tahay inay si toos ah ula wareegaan Kepa Arrizabalaga haddii Andriy Lunin uu baxo (AS).
Arsenal ayaa kaliya Ogolaan doonta in ay iibiso Smith Rowe hadii ciyaaryahanka khadka dhexe uu dalbado in uu boxo (Mirror).
Gunners ayaa sidoo kale filaysa in Oleksandr Zinchenko iyo Kieran Tierney ay ka tagi doonaan inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan ka dib markii ay la soo wareegaan Riccardo Calafiori (TEAMtalk).
Chelsea ayaa ah kooxdii ugu dambeysay ee muujisa xiisaha ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Sociedad Mikel Merino, iyadoo Arsenal, Barcelona iyo Ateltico Madrid ay sidoo kale xiiseynayaan xiddiga reer Spain (Roberto Gomez).
Arsenal ayaa xiiseyneysa xiddiga garabka uga ciyaara Athletic Bilbao Nico Williams, 22, iyo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Sociedad Mikel Merino, 28, laakiin waxay tartan kala kulmeysaa Barcelona (Standard).
Manchester United ayaa wax ka yar 40 milyan oo euros (£33.6m) u soo bandhigtay daafaca dhexe ee Netherlands Matthijs de Ligt laakiin Bayern Munich ayaan aqbali doonin wax ka yar 50 milyan euros (Sky Sports Germany).
Manchester United ayaa marka hore u baahan doonta inay iska iibiso daafaca midig ee Aaron Wan-Bissaka, oo 26 jir ah, haddii ay doonayaan inay la soo wareegaan daafaca midig ee reer Morocco Noussair Mazraoui, oo 26 jir ah, kana tirsan Bayern Munich (Mirror).
Be the first to comment