PSG Oo Xaqiijisay Bixitaanka Mbappe

Kooxda PSG ayaa qarxisay warkii ugu weynaa iyada Oo si maldahan u Xaqiijiyay bixitaanka xiddiga Mbape suuqa Kala Iibsiga Xagaaga.

Heshiiska Mbappe ee PSG ayaa dhacaya dhamaadka xilli ciyaareedkan iyada Oo lala xidhiidhinayo in uu isaga tagayo kooxda.

Kooxda PSG ayaa Shaaciyay maaliyada ay ku Ciyaari doonaan xilli ciyaareedka dambe.

Xiddigaha kooxda PSG ayaa dhamaantood ka Soo muuqday Soo bandhigista maaliyada Kooxda.

Laakiin waxa ka maqnaan Xiddiga Mbape kaas Oo aan ka mid ahayn xiddigaha Soo bandhigay maaliyada Kooxda.

Arintan ayaa sii Xaqiijinaysa in uu Mbappe isaga tago doono kooxda PSG dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga