Arsenal Oo Calaamadsatay Badalka Aaron Ramsdale

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay u calaamadsatay goolhayaha Juventus Wojciech Szczesny inuu yahay bedelka Aaron Ramsdale.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England ayaa si weyn loo filayaa inuu baxo xagaagan ka dib markii uu boos ka waayay David Raya xilli ciyaareedkan.

Ramsdale ayaa kasoo muuqday 72 kulan oo Premier League ah labadiisii ​​xilli ciyaareed ee ugu horeysay isagoo ah ciyaaryahan Arsenal ah, laakiin wuxuu ku qasbanaaday inuu kaydka u galo Raya xilli ciyaareedkan.

Ka dib markii uu ciyaaray afartii kulan ee furitaanka Premier League ee Arsenal, Ramsdale labadii kulan ee ugu danbeysay ee horyaalka ayuu ciyaaray maadama uuna Raya ka hor tagi karin Brentford oo uu amaah uga maqan yahay.

Kadib markii uu ku qasbanaaday in uu kaydka galo, Goolhayaha 25 jirka ah ayaa la filayaa in uu isaga tago kooxda si uu ugu biiro koox uu joogto ugu ciyaaro.

Arsenal ayaa la filayaa inay si toos ah ula wareegto Raya laakiin wali waxa ay u baahnaan doontaa Goolhaye kale hadii uu Ramsdale ka tago kooxda.

Sida laga soo xigtay The Standard, Arsenal ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo Szczesny inay dib ugu soo celiso Emirates Stadium ka hor xilli ciyaareedka 2024-25.

Juventus ayaa la rumeysan yahay inay diyaar u tahay inay iska iibiso Szczesny xagaagan iyada oo suuqa ugu jirta badalkiisa.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga