Joselu Oo Taariikh Ka Sameeyay Champions League

Joselu ayaa dhigay rikoor cusub oo gooldhalinta Champions League fiidnimadii Arbacada iyadoo Real Madrid ay si lama filaan ah uga badisay Bayern Munich.

Bayern Munich ayaa hogaaminaysay ciyaarta ilaa daqiiqadihii ugu dambayay ee ciyaarta.

Xiddiga Joselu Oo badal ku Soo galay ciyaarta ayaa wax weyn ka badalay

Daqiiqdii 88-aad ayuu Joselu dhaliyay goolka bar-baraha ka Hor inta uuna daqiiqdii 91-aad dhalin goolka guusha ee Kooxdiisa.

Kadib ciyaarta Joselu ayaa Taariikh ka Sameeyay tartanka champion league.

Joselu ayaa haatan jira 34 Sano waxana uu noqday Xiddigii ugu da’da weynaa ee  Laba gool ka dhaliya kulamada bug-baxa champions league isaga Oo badal ku Soo galay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga