Man United Oo War Fiican Ka Heshay Tababarka Ka Hor Kulanka Arsenal.

Man United ayaa war farxad leh ka heshay tababarka ka hor kulanka adag ay la ciyaari doonaan kooxda Arsenal.

Man United ayaa xaqiijisay in ay xiddigaha Lisandro Martinez & Marcus Rashford ku soo laabteen babarka buuxa ee kooxda.

Xiddiga Lisandro Martinez ayaa si weyn ula dhibaatoonayay dhaawacyo xilli ciyaareedkan isaga oo aan ciyaain kulamo badan sababo la xidhiidha dhaawacyo

Xiddiga Marcus Rashford ayaa dhinaciisa dhaawacyo la dhibaatoonayay kulamadii gu dambeeyay isaga oo seegay kulamo muhiim ah.

Laakiin xiddigaha Lisandro Martinez & Marcus Rashford ayaa ku oo laabtay tababarka ka hor kulanka Arsenal.

Man United ayaa u baahan xiddig kasta hadii ay doonayso in ay joojiso tareenka kooxda Arsenal kulanka Axada.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga