Jorginho Oo Ka Fal Celiyay Heshiiska Cusub Ee Uu U Saxiixay Arsenal.

Xiddiga Khadka dhexe ee kooxda Arsenal Jorginho ayaa ka hadlay heshiis cusub ee uu u saxiixay Arsenal.

Xiddiga khabiirka ah ayaa heshiis cusub qalinka ugu duugay kooxdiisa Arsenal.

Jorginho ayaa wacdaro ka dhigay Arsenal tan ilaa markii uu kaga soo biiray kooxda Chelsea.

Qaab ciyaareedkiisa ayuu ku mutaystay in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda kaas oo kooxda joogi doona hal xilli ciyaareed oo kale.

Jorginho: “Runtii aad ayaan ugu faraxsanahay inaan sii joogo. Ma jirin wax badan oo laga doodi karo sababtoo ah runtii wanaag ayaan ku dareemayaa halkan”.

“Si aan u ogaado inay i qadarinayaan oo ay doonayaan inaan sii joogo waqti dheer sidoo kale, wax weyn ayay ii tahay. Waxaan dareemayaa inaan haysto wax badan oo aan sameeyo, sidaa darteed waa sababta aan u joogo.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga