10 Xiddig Oo Premier League Ka Ciyaara Oo Ka Mushahar Badan Mbappe Kadib Markii Uu Ku Biiray Real Madrid.

Xidigo badan oo Premier League ah ayaa qaadan doona mushahar ka badan inta uu Mbappe ka qaadan doono Real Madrid markii uu ku biiray Real Madird.

Mbappe ayaa qalinka ku duugay heshiis 5 sano ah oo uu ku joogi doono kooxda ka dhisan caasimada Spain.

Xiddiga ku guulaystay koobka Adduunka ayaa qaab xor ah ugu biiray kooxda Real Madrid markii uu dhacay heshiiskiisa.

Si kasta ha ahaatee Mbappe ayaa ka mushahar hoosayn doona xiddigo badan oo premier League ah.

Mbappe ayaa la filayaa in uu todobaadkii jeebka ku shubto lacag dhan 250 kun oo Gini kadib markii uu heshiiska u saxiixay Real Madrid.

Mbappe ayaa ka mushahar yaraan doona xiddigo ay ka mid yihiin xiddigaha Kevin De Bruyne, Erling Haaland,Mohamed Salah Casemiro,, Raheem Sterling, Romelu Lukaku, Bernardo Silva and Jack Grealish,  Marcus Rashford iyo xiddiga Arsenal ee Kai Havertz.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga