Atlético Madrid ayaa si rasmi ah u billowday wada-hadallo toos ah oo ay la leedahay Tottenham Hotspur si ay ula soo wareegto daafaca reer Argentina Cristian “Cuti” Romero.
Kooxda reer Spain ayaa sidoo kale wada-hadallo la wada wakiillada ciyaaryahanka, iyadoo doonaysa inay heshiiska dhammeystirto sida ugu dhaqsaha badan.
Dhanka kale, Arsenal ayaa toddobaadkan sameysay weydiimo ku saabsan xaaladda Romero, balse Tottenham waxay doorbideysaa inay ciyaaryahanka ka iibiso koox ka ciyaarta dibadda England, halkii ay u oggolaan lahayd inuu ku biiro koox ay Premier League ku xafiiltamaan.
Sidoo kale, Inter Milan ayaa horay ula gaartay Tottenham heshiis ku saabsan qiimaha Romero, laakiin kooxda Talyaaniga wali ma sii wadi karto heshiiska ilaa ay marka hore iibiso qaar ka mid ah ciyaartoydeeda si ay u hesho dhaqaalaha loo baahan yahay.
Waqtigan xaadirka ah, Atlético Madrid ayaa ah kooxda ugu dhow saxiixa Cristian Romero, iyadoo wada-hadallada labada dhinac ay si rasmi ah u socdaan.
Be the first to comment