Psg Muse Liverpool? Yan Diamonde Oo Doortay Kooxda Uu Ku Biirayo.

Suxufiga lagu kalsoon yahay ee David Ornstein ayaa shaaciyay in da’yarka reer Ivory Coast ee Yan Diomande uu go’aansaday kooxda uu mudnaanta siinayo haddii uu ka tago RB Leipzig inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan, isaga oo doorbidaya inuu ku biiro Paris Saint-Germain.

Ornstein wuxuu sheegay in ciyaaryahanka 19 jirka ah uu aaminsan yahay in mashruuca PSG, oo ay hoggaaminayaan Nasser Al-Khelaifi, Luis Campos, iyo tababare Luis Enrique, uu yahay meesha ugu habboon ee uu ku horumarin karo xirfaddiisa.

Wuxuu intaas ku daray in Diomande uu rumeysan yahay awoodda PSG ee ay si joogto ah ugu tartami karto koobabka waaweyn, isla markaana uu rajeynayo in u wareegistiisa kooxdaasi ay ka caawin doonto inuu mustaqbalka ku guuleysto abaalmarinta Ballon d’Or.

Arrintan ayaa timid xilli uu xiiso ka helayo kooxo badan oo waaweyn oo Yurub ah, hase yeeshee PSG ayaa noqotay kooxda uu ugu horreyn doonayo haddii uu ka tago Leipzig xagaagan.

Waxaa sidoo kale la sheegay in Liverpool F.C. ay soo bandhigtay €80 milyan oo euro iyo €20 milyan oo gunnooyin ah si ay ula saxiixato Diomande, balse Leipzig ayaa diiday dalabkaas, iyagoo dalbanaya wax ka badan €100 milyan si ay u fasaxaan ciyaaryahanka.

Waxaa la filayaa in PSG ay maalmaha soo socda si rasmi ah ula furto wadahadallo Leipzig oo ku saabsan qiimaha heshiiska.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga