Fabrizio Oo Runta Sheegay! Enzo Fernández Miyuu Ku Biirayaa Man City.

Suxufiga reer Talyaani ee ku xeel dheer suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, Fabrizio Romano, ayaa beeniyay wararka sheegaya in Manchester City ay dooneyso inay la saxiixato Enzo Fernández inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan, kaddib markii uu hakad galay qorshihii uu ugu wareegi lahaa Real Madrid.

Romano ayaa xaqiijiyay in waqtigan aysan jirin wax wadahadal ah oo u dhexeeya Manchester City iyo Enzo Fernández, isagoo sheegay in wararka sheegaya inuu jiro xiriir ama wada-xaajood aysan sal iyo raad toona lahayn.

Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray in wax wada hadal ah oo ku saabsan mustaqbalka ciyaaryahanka khadka dhexe ee Argentina aanu dhici doonin ilaa uu ka soo dhammeeyo ka qeybgalka 2026 FIFA World Cup.

Sidaas darteed, mustaqbalka Enzo Fernández ayaa la sugayaa ilaa uu soo gabagabeeyo safarkiisa Koobka Adduunka 2026, ka hor inta aan la qaadin wax tallaabo ah ama aan la go’aansan halka uu u wareegi doono suuqa kala iibsiga xagaagan.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga