Ten Hag Oo Ka Hadlay Mustaqbalkiisa Man United

Tababaraha Kooxda Man United ee Ten Hag ayaa ka hadlay mustaqbalkiisa kooxda Man United.

Ten Hag ayaa dareemaya cadaadis dhinaca mustaqbalkiisa ah sabab la xidhiidha natiijooyinka xun ee kooxda.

Waxa jira khabiiro iyo taageerayaal dalbanaya in shaqada laga caydhiyo Ten Hag sabab la xidhiidha natiijooyinka xun ee kooxda.

“Halkan waxaan Man United kula jiraa heshiis saddex xilli ciyaareed ah. Markaa waxba igama gelin wararka xanta ah”ayuu Ten Hag yidhi.

“Waxaan ku jiraa habkan oo kaliya diiradda saaraya habka. Waxaan qabaa rumaynta kooxda, waxaana dareemayaa wadahadalo badan ka dib in INEOS ay i rumaysato”.

Man United ayaa 8 dhibcood ka hoosaysa kooxda Ku jirta kaalinta 4-aad ee kala saraynta horyaalka premier League.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga