QAYBTA 1-aad:
Bilowgii Koobka Adduunka 2026, waxay u muuqatay in taariikh cusub loo qorayay kubadda cagta Afrika.
Markii ugu horreysay taariikhda, 10 waddan oo Afrikaan ah ayaa ka qeyb galay Koobka Adduunka, waxaana 9 ka mid ah u suurtagashay inay u gudbaan wareegga bug-baxa Taasi waxay ahayd guul weyn oo mudan in loo dabaaldego.
Laakiin farxaddaasi muddo dheer ma sii waarin. Intii lagu jiray wareegga 32-ka, inta badan xulalkii Afrika waa la reebay, waxaana ugu dambayn laba keliya u gudbay wareegga 16-ka.
Arrintaasi waxay mar kale soo celisay su’aashii hore ee ahayd:
Maxay xulalka Afrika ugu guuldarreystaan Koobka Adduunka?
Marka la eego tartankan, waxaa si cad u muuqday dhibaato ka jirtay qaar ka mid ah xulalka Afrika. Waxay ahayd feejignaan la’aan iyo maamul xumo ciyaarta daqiiqadaha ugu dambeeya.
Tusaale ahaan, Ivory Coast waxay ku dhoweyd inay garaacdo Germany, balse ugu dambayn waa laga adkaaday. DR Congo ayaa muddo dheer hoggaanka u haysay kulankii England, laakiin iyaduna ugu dambayn waa laga reebay tartanka.
Tusaalaha ugu xanuunka badnaa wuxuu ahaa Senegal, oo labo gool ku hoggaaminaysay Belgium iyadoo ay ciyaarta ka harsan yihiin shan daqiiqo oo keliya, hase yeeshee si lama filaan ah ayay guusha u lumiyeen.
Haddii ay lahaan lahaayeen feejignaan iyo maarayn wanaagsan oo ciyaarta ah, ugu yaraan laba ka mid ah saddexdaas xul ayaa guulaysan lahaa.
Intaa waxaa dheer, inta badan xulalka Afrika waxay ku dhibtoodeen inay ciyaarta soo afjaraan, taas oo ka dhalatay inay lumiyaan fursado badan oo ay goolal ku dhalin kareen.
QAYBTA 2:
Waxaa intaas sii dheer, inta badan xulalka Afrika waxay ku adkaatay inay ciyaarta si rasmi ah u soo afjaraan, taas oo inta badan ka dhalatay inay ka faa’iidaysan waayeen fursadaha ay heleen.
Tusaale ahaan, Yoane Wissa ayaa helay fursad dahabi ah kulankii ay DR Congo la ciyaareysay England daqiiqaddii 42-aad, isagoo goolka hortiisa ka toogtay, balse kubbaddii waxay ku dhacday birta goolka. Haddii ay DR Congo markaas ka dhigi lahayd 2-0, ciyaartu aad ayay ugu adkaan lahayd England, waxaana ugu yaraan suuragal noqon lahayd in lagu kala baxo waqti dheeri ah.
Xaalad ka sii xanuun badnayd ayaa ka dhacday kulankii Ivory Coast iyo Germany. Daqiiqaddii 90-aad, Nicolas Pépé ayaa kubbad dahabi ah u dhigay Simon Adingra. Haddii uu gool dhalin lahaa, waxay u badan tahay inuu kulanka guusha ku soo afjari lahaa. Laakiin wuu khasaariyay fursaddaas, waxaana afar daqiiqo kadib Jarmalku qaaday weerar rogaal-celin ah oo ay ku dhaliyeen goolkii guusha.
Kubadda cagta waxaa jira xeer caan ah oo oranaya: Haddii aadan ka faa’iidaysan fursadahaaga, ugu dambayn waad ka shallayn doontaa, gaar ahaan marka lagu jiro tartan weyn sida Koobka Adduunka.
Dhanka goolhayayaasha, xulalka Afrika waxay lahaayeen bandhig aad u wanaagsan. Goolhaye-yaasha sida Vozinha, Dimitry Bertaud Mpasi, Lawrence Ati-Zigi, Benjamin Asare, iyo Yassine Bounou (Bono) waxay muujiyeen heer sare oo ciyaareed. Si kastaba ha ahaatee, weeraryahannada ayaa ku guuldarraystay inay muujiyaan waxqabadkii laga filayay, taasina waxay si weyn u dhaawacday rajada xulalkooda.
Laakiin qalad ayay noqon lahayd haddii dhammaan guuldarrooyinka Afrika lagu eedeeyo oo keliya feejignaan la’aanta iyo fursadaha la khasaaray. Xaqiiqadu waxay tahay in weli uu jiro farqi weyn oo tayo ah oo u dhexeeya xulalka Afrika iyo kuwa ka socda Yurub iyo Koonfurta America.
Xulka DR Congo wuxuu ciyaaray si geesinimo leh tartankan. Kahor Koobkan Adduunka waligood ma aysan dhalin hal gool mana aysan helin hal dhibic, balse markan waxay si wanaagsan ula tartameen Portugal iyo England. Ugu dambayn waxaa ka adkaaday tayada sare iyo adkeysiga xulal awood badan leh.
Ghana iyaduna waxay soo bandhigtay ciyaar wanaagsan, balse tayada sare ee xulalka ay la kulmeen iyo awood la’aantooda inay abuuraan fursado khatar ah ayaa sababtay inay ku haraan wareegga koowaad ee bug-baxa.
Sidoo kale, Cape Verde ayaa noqotay Xulka ugu yaabka badnayd tartanka. Inkastoo uu ahaa Koobkii Adduunka ee ugu horreeyay ee ay ka qeyb galaan, haddana 90-kii daqiiqo ee ciyaaraha caadiga ah lagama adkaan, iyagoo la ciyaaray xulal waaweyn sida Spain, Uruguay iyo Argentina. Kulankii Argentina waxay muujiyeen dagaal iyo adkeysi weyn ilaa ilbiriqsiyadii ugu dambeeyay ee waqtiga dheeriga ah, balse ugu dambayn waxaa kala saaray tayada shaqsiyeed ee ciyaartoyda Argentina.
QAYBTA 3
Haddaba su’aashu waxay noqoneysaa: Maxaa sababay in sanadka 2026 uu weli jiro farqi weyn oo tayo ah oo u dhexeeya Afrika iyo qaaradaha kale?
Jawaabta ugu weyn waa maamul xumo ka jirta inta badan dalalka Afrika.
Waa xaqiiqo murugo leh in dalal badan oo Afrikaan ah aysan weli lahayn kaabayaal isboorti oo tayo leh. Garoomo casri ah, xarumo tababar iyo akadeemiyado lagu horumariyo ciyaartoyda ayaa aad u yar, taas oo si toos ah u saameysa horumarka kubadda cagta.
Waxaa jirta hal xaqiiqo oo cad: Haddii aadan maalgelin qayb muhiim ah, ma horumari karto.
Xitaa maqnaanshaha xulal waaweyn sida Nigeria iyo Cameroon ee Koobkan Adduunka waxaa loo aaneyn karaa hoggaan xumo iyo maamul aan wanaagsanayn.
Maalin kasta waxaa soo baxa warar sheegaya in tababarayaasha xulalka Afrika aan la siin mushaarkooda, ama ciyaartoyda aan la siin gunnooyinkii loo ballanqaaday.
Dhanka kale, madaxda qaar ka mid ah xiriirrada kubadda cagta waxay ku noolyihiin nolol raaxo badan, iyagoo aan mudnaan siin horumarka ciyaarta.
Koobkan Adduunka gudaheeda, warar ayaa sheegay in qaar ka mid ah ciyaartoyda Senegal lagu qasbay inay iskood u maareeyaan cuntadooda, halka masuuliyiin ka tirsan xiriirka ay lacag ku bixinayeen xaflado, khamri, madadaalo iyo nolol qaali ah halkii ay diiradda saari lahaayeen guusha xulka.
Dhaqanka noocan ah wuxuu muddo dheer dhibaato ku ahaa kubadda cagta Afrika, nasiib darro welina wuu sii socdaa.
Haddii dadka awoodda haya aysan qaadan go’aanno sax ah oo lagu horumarinayo kubadda cagta, hibada badan ee Afrika keliya kuma filnaan doonto inay la tartanto quwadaha waaweyn ee dunida.
Tusaale fiican waa Morocco. Dalkaas wuxuu in ka badan toban sano si qorsheysan u maalgelinayay kubadda cagta, waxaana hadda muuqda natiijada.
Afar sano ka hor waxay noqdeen dalkii ugu horreeyay ee Afrikaan ah ee gaara semi-finalka Koobka Adduunka, iyagoo soo reebay Belgium, Spain iyo Portugal.
Koobkan 2026, inkastoo ay haysteen tababare cusub iyo ciyaartoy badan oo is beddelay, haddana waxay sii wadeen bandhig xooggan, iyagoo garaacay Brazil isla markaana kasoo laabtay guuldarro ay kala kulmeen Netherlands si ay tartanka uga saaraan.
Maanta Morocco waxay u muuqataa xul la jaanqaadi kara kuwa ugu awoodda badan Yurub iyo Koonfurta Ameerika, sababtuna waa maalgashi joogto ah iyo qorshe fog.
Be the first to comment