TEAMtalk ayaa beenisay warar sheegayay in kabtanka Arsenal, Martin Ødegaard, uu xagaagan u wareegayo kooxda Galatasaray S.K., iyadoo xaqiijisay inuu sii joogi doono kooxda.
Warar ka soo baxay Turkiga ayaa sheegayay in Ødegaard uu heshiis buuxa la gaaray Galatasaray kadib kulan uu wakiilkiisu kula yeeshay magaalada Istanbul, waxaana la sheegayay in heshiiska lagu dhammayn karo wax ka yar 40 milyan oo euro.
Si kastaba ha ahaatee, TEAMtalk ayaa sheegtay in wararkaasi ay yihiin been abuur, iyadoo caddeysay in ciyaaryahanka reer Norway uu ku faraxsan yahay joogitaankiisa Arsenal isla markaana uu isku diyaarinayo xilli ciyaareedka cusub isagoo la jira horyaalka Premier League.
Warbixintu waxay intaas ku dartay in Ødegaard uu weli yahay mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha ugu muhiimsan ee kooxda, isla markaana maamulka Arsenal uusan wax qorshe ah u hayn inuu iibiyo inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.
Inkasta oo uu dhaawacyo la daalaa dhacayay xilli ciyaareedkii hore, 27-jirka ayaa si toos ah uga qayb qaatay 8 gool (goolal iyo caawin) isagoo ciyaaray 24 kulan, wuxuuna door muhiim ah ka qaatay hanashada horyaalka Arsenal.
Sida ay warbixintu sheegtay, Arsenal waxay si buuxda uga go’an tahay inay sii haysato kabtankooda, maadaama ay u aragto inuu yahay tiir muhiim u ah mashruuca kooxda, sidaas darteedna bixitaankiisa xagaagan aanu haba yaraatee qorshaha ku jirin.
Be the first to comment