10-ka Xiddig ee Ugu Qaalisanaa Taariikhda Premier League Marka Lagu Xisaabiyo Qiimaha Lacagta Maanta – Cristiano Ronaldo oo ku dhow £300 milyan
10-ka ciyaaryahan ee ugu qaalisanaa abid ee laga iibiyay kooxaha Premier League, marka lagu saleeyo qiimaha lacagta maanta (inflation), ayaa la shaaciyay.
Xagaagan waxaa ilaa hadda £100 milyan ama ka badan lagu kala iibsaday saddex ciyaaryahan oo Premier League ah: Morgan Rogers, Elliot Anderson iyo Sandro Tonali.
Si kastaba ha ahaatee, heshiisyadaas xitaa kuma dhowa kuwa ugu waaweyn taariikhda marka qiimaha lacagta loo waafajiyo heerka maanta.
Kaalinta koowaad waxaa si weyn u hoggaaminaya Cristiano Ronaldo, markii uu Manchester United uga wareegay Real Madrid sanadkii 2009.

Waqtigaas heshiiskaasi wuxuu ahaa £80 milyan, balse haddii maanta lagu qiimeeyo wuxuu gaari lahaa £292 milyan, taasoo ka dhigaysa ku dhowaad saddex jeer qiimaha heshiiskii Sandro Tonali uga wareegay Newcastle United kuna biiray Tottenham Hotspur.
Kaalinta labaad waxaa galay heshiis casri ah oo ah Eden Hazard, markii uu Chelsea uga wareegay Real Madrid sanadkii 2019, kaas oo maanta lagu qiimeynayo £245 milyan.

Guud ahaan heshiiska Hazard wuxuu gaaray £150 milyan, kadib markii la bixiyay gunnooyin ku xirnaa guulo iyo waxqabad. Si kastaba, Hazard ma uusan buuxin rajadii laga qabay, dhaawacyo isdaba joog ah ayaana si weyn u saameeyay waayihiisii Real Madrid.
Kaalinta saddexaad waxaa galay heshiiskii ugu weynaa ee dhex maray laba kooxood oo Ingiriis ah, markii Alan Shearer uu Blackburn Rovers uga wareegay Newcastle United sanadkii 1996.
Heshiiskaas wuxuu markaas ahaa £15 milyan, balse maanta waxaa lagu qiimeyn lahaa £238 milyan.

Real Madrid ayaa mar kale kasoo muuqata liiska iyadoo kaalinta afaraad ku gashay heshiiskii ay sanadkii 1999 ku iibsatay Nicolas Anelka oo ay kala soo wareegtay Arsenal.

Waqtigaas waxaa lagu bixiyay £23.5 milyan, balse maanta heshiiskaasi wuxuu noqon lahaa £226 milyan.
Sidoo kale, heshiisyadii fashilmay ee ciyaartoyda Premier League uga wareegay Spain waxaa kamid ahaa Philippe Coutinho, markii uu Liverpool uga wareegay Barcelona.
Be the first to comment