XOG: Laba Kooxood Oo Man United Kaga Goolal Badan Premier League Xilli Ciyaaredkan.

Natiijooyinka xun ee Man United ayaa sii socday kadib markii ay kooxdu guuldaro 3/0 ah kala kulantay Tottenham kulan ka tirsanaa premier League.

Natiijooyinka Old Trafford ayaa la macno ah in Red Devils ay kaliya hal gool ku dhalisay garoonkeeda ilaa haatan horyaalka xilli ciyaareedkan.

Joshua Zirkzee ayaa shabaqa soo taabtay kulankii Fulham maalintii furitaanka xilli ciyaareedka 2024/25, tan iyo markaas Man United ayaan Wax gool ah ku dhalin garoonkeeda.

Dhab ahaantii, laba kooxood ee Liverpool iyo Tottenham ayaa ka dhaliyay goolal ka badan Man United marka lagu ciyaarayo Old Trafford premier League ilaa haatan xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga