Xiddigii Ugu Horeeyay Ee Liverpool Oo Qirtay In Uu Klopp U Raaci Dooni Bixista Liverpool.

Daafaca Liverpool ee Sepp van den Berg ayaa qirtay inuu ka tagi karo kooxda xagaagan marka uu ka soo laabto amaah hal xilli ciyaareed ah oo uu ku joogo kooxda Bundesliga ka ciyaarta ee Mainz.

22 jirkan ayaa Liverpool ugu soo biiray lacag dhan 1.9 milyan oo euro sanadkii 2019, laakiin waxa uu kaliya afar kulan oo waaweyn u saftay kooxda wuxuuna saddexdii sano ee la soo dhaafay amaah ku maqnaa.

Van den Berg ayaa amaah joogto ah ku joogay Mainz xilli ciyaareedkan, isagoo u saftay 23 kulan tartamada oo dhan, waxaana uu aaminsan yahay inuu diyaar u yahay inuu xubin muhiim ah ka noqdo kooxda koowaad ee Liverpool.

Si kastaba ha ahaatee xiddiga reer Holland ayaa ka walwalsan tartanka boosaska ee Liverpool waxaana uu qirtay inuu diyaar u yahay inuu ka tago kooxda si uu u hubiyo inuu helo waqti ciyaared joogto ah.

“Haddii aan ku laabto Liverpool, waxaa laga yaabaa inay rabaan inaan sii joogo. Haddii aan arko inaanan heli doonin waqti badan oo ciyaarta ah, markaas waxaan dooran karaa inaan baxo. Runtii aad bay muhiim iigu tahay inaan ciyaaro”.

“Sanadihii hore, ma dareemin inaan ka garab ciyaari karo Van Dijk, ma garanayo in ay fursadayda xigta noqon doonto xagaaga”.

“Waxaan u maleynayaa inaan si fiican u shaqeynayo. Waan xamili karaa ka ciyaarista Liverpool. waan tartami karaa Laakin bilow ahaan waa ka duwan yahay. Virgil iyo [Ibraahim] Konate ma fududa booska lagala boxo, waan ogahay in ay adkaan doonto”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga