Liverpool Oo Heshay War Xun Ka Hor Final-ka Carabao Cup-ka.

Dhibaatada dhaawaca ee Liverpool ayaa mar kale ka sii dartay iyadoo Diogo Jota iyo Curtis Jones la xaqiijiyay in ay seegi doonaan Final-ka Carabao cup-ka ee ay la ciyaari doonaan Chelsea.

Labada xiddig ayaa dhaawac uga baxay kulankii ay Liverpool ka badisay kooxda Brentford kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Klopp waxa haatanba ka maqan xiddigaha Dominik Szoboszlai, Alisson iyo Trent Alexander-Arnold kuwaas oo dhaawac ku seegaya kulanka chelsea ee Carabao cup-ka.

Kooxda ayaa sugaysa baadhitaanka buuxa ee Jones iyo Jota laakiin wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in ay labada xiddiga seegi doonaan Final-ka Axada.

Wararka ka imaanaya Portugal ayaa sheegaya in Jota la filayo inuu garoomada ka maqnaado ku dhawaad ​​labo bilood, halka aan la ogeyn waqtiga saxda ah ee Jones soo laaban doono sida laga soo xigtay The Times.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga