Xiddig U Ciyaara Chelsea Oo La Xaqiijiyay In Uu Seegi Doono Bilowga xilli ciyaareedka dambe, Sabab.

Xiddiga kooxda Chelsea ee Reece James ayaa Seegi doona bilowga xilli ciyaareedka cusub ee Kooxdiisa.

Arbacadii Chelsea Ayaa Garaacday kooxda Brighton iyaga Oo sii wada Guulihii ay gaadhayeen kulamadii ugu dambeeyay.

Kabtanka kooxda ee Reece James ayaa badal ku Soo galay kulanka iyaga Oo 21 daqiiqdii ka dhimantahay dhamaadka Ciyaarta.

Si kasta ha ahaatee xiddiga ayaa kaadhka cas looga saaray ciyaarta Kadib markii uu khalad ku galay Xiddig Brighton ah.

Xiddiga reer England ayaa qaatay kaadhka cas ee tooska ah waxana uu ganaax ku Seegi Doonaa laba kulan horyaalka.

Maadama uu haatan Hal kulan Chelsea uga dhiman yahay premier league xilli ciyaareedkan waxa ay la macno tahay in uu Seegi Doono Kulanka Furitaanka Kooxdiisa ee premier league xilli ciyaareedka dambe.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga