Mid ka mid ah ciyaartoyda kooxda koowaad ee Barcelona ayaa ku dhaawacmay ciyaarta Las Palmas ee haatan ka socota horyaalka Spain.
Kooxda Barcelona ayaa la ciyaaraysa kooxda Las Palmas kulan ka tirsan horyalka La Liga oo ka dhacaya garoonka Montjuïc Olympic Stadium.
Alejandro Balde ayaa garoonka kaga baxay dhaawac soo gaaray daqiiqadii 26-aad ee ciyaarta, kadib markii ay si xun isugu dhaceen labo ciyaaryahan oo Las Palmas ah.
Daafaca bidix ee kooxda Barcelona Gerard Martin ayaa bedelay Balde ka dib markii uu dhacay, waxaana uu u muuqday mid ka cabanaya dhibaato dhanka neefsashada ah.
Kooxda Barcelona ayaa baadhitaan ku samayn doonta xiddiga kadib dhamaadka xilli ciyaareedka.
Be the first to comment