Xavi Oo Sharaxay Sababta Uu Isaga Casilay Xilka Barcelona.

Tababaraha Barcelona Ee Xavi ayaa iska casilay xilka tababaranimo ee Barcelona.

Xavi ayaa iska casilay xilka kadib guuldaradii Barcelona ka soo gaadhay kooxda Villarreal kulan ka tirsanaa La Liga.

Barcelona ayaa guuldaro 5/3 ah kala kulantay Villareal kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga.

Kadib guuldarada Xavi ayaa shaaciyay in uu dhamaadka xilli ciyaareedkan isaga tagi doono kooxda Barcelona.

“Waxaan ka tagi doonaa Barcelona bisha June”ayuu Xavi yidhi.

“Waxaan gaarnay meel aan laga soo noqon karin. Waa xiligii isbedelku, Taageere ahaan waxa aan u malaynayaa in la gaadhay wakhtigii aan bixi lahaa”.

“Waxaan maanta la hadlay maamulka kooxda, waxa aan ka tagayaa kooxda 30 bisha June”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga