Diyaar Ayaan Ahay: Tababare Haatanba Shaaciyay In Diyaar U Yahay In Uu Tababare U Noqdo Barcelona

Rafael Marquez ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu bedelo Xavi oo ah tababaraha Barcelona.

Marquez ayaa haatan maamula Barca isagoo ku laabtay Catalonia 2022.

Mundo Deportivo ayaa ku warameysa in daaficii hore uusan haatan ku jirin liiska musharixiinta Barcelona ee u sharaxan badalka Xavi.

Si kastaba ha ahaatee khabiirka reer Mexico ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu noqdo tababaraha kooxda Barcelona.

“Waa wax laga xumaado in kooxda laga badiyo, waxan u malaynayaa in ay maamulku ka fikiri doonaan xaalada dhamaadka xilli ciyaareedka”.

“anigu ma dooranayo sababta oo ah maamulka ayaa doonaya laakiin aad ayaan u doonayaa in aan noqdo tababaraha kooxda”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga