Sababta Dhabta Ah Ee Uu Klopp Uga Tagayo Liverpool Oo La Ogaaday.

Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka yaabiyay adduunka kubada cagta jimcihii kadib markii uu shaaciyay in uu isaga tagi doono Liverpool dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Klopp ayaa soo afjaraya ku dhawaad 9 sano oo uu hogaaminayay kooxda Liverpool kuna hogaamiyay koobab badan.

Tababare Klopp ayaa daal ku sheegay in ay tahay sababta uu go’aansaday in uu isaga tago kooxda Liverpool dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Laakiin sida laga soo xigtay The Telegraph, Sababta dhabta ah ee uu Klopp uga tagay Liverpool ayaa ah horumarka deg-dega ah ee ay samaysay kooxdu xilli ciyaareedkan.

Kadib xilli ciyaareed liita oo ay soo bandhigtay xilli ciyaareedkii hore Klopp ayaa dib u dhis ku sameeyay kooxda isaga oo la soo saxiixday xiddigo cusub.

Laakiin kooxda ayaa samaysay horumar deg-deg ah marka loo eego in ay kooxdu aad u liidatay xilli ciyaareedkii hore.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga