Xavi Oo Ka Hadlay Wararka Ku Saabsan Mustaqbalkiisa Barcelona

Tababaraha kooxda Barcelona Xavi ayaa ku adkeystay in “waxba iska badalin” mustaqbalkiisa iyadoo la sheegayo inuu ka tagi karo kooxda Catalan dhamaadka xilli ciyaareedka.

Bishii January, Xavi ayaa ku dhawaaqay inuu ka tagayo Barcelona xagaagan, laakiin dhamaadkii bishii hore, ayaa daaha laga qaaday in 44 jirkaan uu ka noqday go’aankii uu kaga tagay.

Hadda waxaa jira warar cusub oo ku xeeran inuu ka bixi karo halyeygii hore ee khadka dhexe ee kooxda sababo la xiriira xiisad ka dhexaysay tababaraha iyo maamulka sare ee kooxda.

Waxaa la rumaysan yahay in Laporta aanu ku faraxsanayn hadaladii Xavi ee ku saabsanaa arrimaha dhaqaale ee kooxda iyo dhibaatooyinka ka iman kara marka ay timaado ku guulaysiga horyaalka La Liga xilli ciyaareedka dambe.

“Kooxdu waxa ay I siisay balan-qaad iyo hami la mid ah midkii hore, waan fahmin karaa buuqa iyo sawaxanka laakiin waxba isna badalin”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga