WARBIXIN: Maxay Arsenal U Baahantahay Si Ay Ugu Guulaysato Horyaalka Maalinta Ugu Dambaysa Premier League?

Waxa la isla aaday maalinta ugu dambaysa horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

Kooxda Man City ayaa 2 dhibcood ku hogaaminaysa horyaalka iyada oo la aadi doono maalinta ugu dambaysa horyaalka.

Hadaba Maxay Arsenal U Baahantahay Si ay Ugu Guulaysato Premier League?

Kooxda Arsenal ayaa u baahan bar-baro ama guul si ay ugu guulaysato horyaalka Premier League markii ugu horaysay tan ilaa 2004 markaas oo ahayd markii ugu dambaysay ee ay ku guulaysato premier League.

Laakiin Arsenal ayaa u baahan in laga badiyo kooxda Man City kulanka ay la ciyaari doonto West Ham.

Hadii ay dhacdo in ay Arsenal bar-baro gasho isla markaas Man City laga badiyo waxa lagu kala bixi doonaa farqiga goolasha.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga