
Kooxda Al Hilal ee ka ciyaarta horyaalka sucuudiga ayaa doonaysa in ay la soo wareegto xiddiga Mohamed Salah si ay ugu xoojiyaan kooxda.
Turki Al-Sheikh oo ah madaxa hay’adda madadaalada ee Sucuudiga ayaa bartiisa rasmiga ah ee Facebook soo dhigay sawirka xiddiga Masar ee Mohamed Salah oo xidhan shaadhka Al Hilaal, si uu u kiciyo xamaasad ay jamaahiirta Al Hilaal ka qabaan inuu soo dhawaado heshiiska la wada sugayo.
Hogaamiyaha Sacuudiga ayaa doonaya inuu Mo Salah u saxiixo heshiis labo xilli ciyaareed ah kaasoo ku kacaya 300 milyan oo Riyaal, si uu uga faa’ideysto adeegiisa xagaaga soo aadan.
Ilo wareedka ayaa tilmaamay in Al Hilaal uu wadahadalo la furay maamulka Liverpool oo ku saabsan suurtagalnimada ay kula wareegi karaan salah oo 6 bilood uga dhimantahay heshiiskiisa kooxda Liverpool.
Salah ayaan wali qalinka ku duugin heshiis cusub waxana ay Liverpool ku dhibaatoonaysaa in ay xiddiga ku qanciso heshiis cusub.
Be the first to comment